Maamullada Sh/Hoose iyo Baanadir oo iskula dhacay sabab la xiriirta Sumad loo sameeyay Gaadiidka BL-ka ee Labada Gobol

Jimco, January 18, 2008(HOL): Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisad ka dhex oogantay maamullada Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir oo labaduba hoos-taga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xiisadda u dhaxeysa labada maamul ayaa waxay salka ku heysaa sumad ay labada maamul ku kala dhigteen gaadiidka ay ka qaataan lacagaha canshuuraha ah ee deegaanadooda ka howlgala, waxaana xiisaddaas la dareemay kadib markii uu maamulka gobolka Shabeelaha Hoose uu diiday in ay Gaadiidka BL-ka ah ee ka diiwaan-gashan Gobolka Banaadir ka shaqeeyaan Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo taasina ku sababeynaya iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu diiday in ay gudaha Gobolka Banaadir ka shaqeeyaan Gaadiidka wata sumadda Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Khilaafka soo kala dhexgalay labada maamul ee ku saabsan dhinaca isugu socodka gaadiidka BL-ka ah ee labada gobol ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Dad badan oo rakaab iyo ganacsato isugu jiray, kuwaasi oo gaadiidka labada gobol si caadi ah u isticmaali jiray, tusaale ahaan dadka doonaya in ay aadaan Degmada Afgooye ma raaci karaan Gaadiid ka qaada Magaalada Muqdisho waayo marka ay gaaraan xadka u dhaxeeya labada Gobol waxaa dib u soo celinaya Ciidamada Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kalena dadka soo raaca gaadiidka wata sumadda Gobolka Shabeelaha Hoose uma gudbi karaan dhinaca Gobolka Banaadir.

Sidoo kalena, Ganacsatada Qaadka ayuu khilaafkan sidoo kale saameeyay  waayo waxay markii hore waxay qaadka ku doonan jireen Gaadiid Muqdisho ka qaada, halka haatan ay danta ku kaliftay in ay adeegsadaan Gaadiid u diiwaan-gashan labada gobol, kuwaasi oo ay ku gaaraan xadka labada gobol u dhaxeeya marka ay sii socdaan iyo marka ay soo socdaanba.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay khilaafka soo kala dhexgalay maamullada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir, marka laga reebo in ay mas’uuliyiin u hadlay labada Gobol ay qalabka warbaahinta isu marsiiyeen in aysan isu gudbin karin Gaadiidka labada gobol.

Ugu dambeyntiina, khilaafka soo kala dhexgalay maamullada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaxda maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay dhawaan ku eedeeyeen mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay go’doominayaam Maamulka Shabeelaha Hoose oo markaasina aysan waxba ka qabaneynin baahida uu qabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia