Jimco, January 18, 2008(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee Xuquuqda Aadanaha ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyadda dhibaatada soo gaarta Shacabka Muqdisho ay qaadayaan dhinacyada ku dul-dagaalamaya.
Madaxa baarista Xad-gudubyada Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha C/llaahi Calas Jimcaale ayaa sheegay in dagaallada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo ay dhibaatada ugu badan ka soo gaarto dadka rayidka ah, wuxuuna sheegay in ay dadka Muqdisho yihiin kuwo waayay Xuquuqdii ay aas-aasiga u lahaayeen ee ahayd in ay Nabadgelyo ku noolaadaan.
C/llaahi Calas Jimcaale waxaa uu sheegay in ay dhowr jeer oo hore ay ka codsadeen dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay dadka shacabka ah u turaan, isla markaana ay ka daayaan xad-gudubyada ay u geysanayaan, balse wuxuu sheegay in ay dhegaha dadka ay la hadlayaan ay u muuqdaan kuwo leyr u duleela oo aan laab u duleelin.
“Mar kale ayaan ku celineynaa baaqaas oo ah in dadka laga daayo dagaalka, waxaan leenahay walaalayaalow ogaada xisaab ayaa jiri doonta Adduun iyo Aakhiraba oo waa la idin su’aali doonaa dhibka aad addduunka ku geysataan”ayuu yiri C/llaahi Calas Jimcaale.
Madaxa baarista xad-gudubyada Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale waxaa uu intaas ku daray in haddii ay sii socdaan dagaallada ka dhacay magaalada Muqdisho ay taasi keeni doonto in Caasimadda Soomaaliya ay noqoto meel lama degaan ah oo lagu kala guuray, isagoo carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in laga hor-tago inta aan xaaladdaas la gaarin.
Ma ahan qeylo-dhaantii ugu horeysay oo ay Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ay ka soo saaraan dhibaatooyinka ka dhacaya Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaadna mooddaa in dhinacyada ay baaqyada ku socdaan aysan dheg jalaq u siineynin baaqyada dagaal joojinta ah ee loo dirayo, isla markaana ay sii wadaan dagaallada u dhaxeeya ee aan la ogeyn goorta ay soo af-jarmayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia