Talaado, February 05, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta ka amba baxay Garoonka Diyaaradaha magaalada Booasaaso, isagoo ku sii jeeday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Madaxweynaha oo intii uusan ka dhoofin Garoonka Diyaaradaha Boosaaso wariyayaasha la hadlayay ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro sidii uu madaxda Itoobiya kulamo ula yeelan doonaan, sidoo kalena ay magaalada Addis Ababa kulamo ugu yeelan lahaayeen madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu haatan ku sugan Magaalada Addis Ababa.
“Sida aad la socotaan Dowladda Itoobiya waxaan leenahay xuduud dheer, waxaana naga dhaxeeya cilaaqaad fiican iyo arrimo baayac-mushtarka la xiriira, marka waxaan ka wada hadli doonnaa Dowladda Itoobiya arrimahaas iyo weliba adkeynta nabadgelyada, sidoo kalena waxaan magaalada Addis Ababa ku wada kulmi doonaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo aan la yeelan doono la-tashi ku saabsan Puntland iyo sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse.
Madaxweyne Cadde Muuse ayay warar ku dhow dhow sheegayaan in uu markaas kadib u dhoofi doono dalka Jarmalka oo uu Arrimo caafimaad u tegayo, iyadoo la xusuusan yahay in mar sii horeysay madaxweynaha qalliin dhinaca Kellida ah loogu sameeyay Isbitaal ku yaala Dalka Jarmalka.
Wararka safarka Madaxweynaha Puntland waxay intaas ku darayaan in uu Jarmalka kadib uu madaxweyne Cadde Muuse uu socdaal ku tegi doono Dalka Isu-taga Imaaraadka Carabka, iyadoo halkaasina ay ku ballansan yihiin Ganacsato Imaaraadka ka soo jeeda oo dhawaanahan mashaariic maal-gashi ah ka wada Deegaannada Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Madaxweyne Cadde Muuse oo u dhoofay Dalka Itoobiya, kadibna uga sii gudbaya Dalka Jarmalka
More News
- Guddoomiyaha Degmada Shibis oo ka badbaaday Qarax Miino oo lagu dili lahaa
- Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa
- Xaaladda Goobo ay shalay dagaallo ka dhaceen oo Muqdisho ku yaala oo saaka degan
- Guriga Guddoomiyihii hore ee Degmada Baydhabo oo xalay Weerar Bambooyin loo adeegsaday lagu qaaday
- Isgoyska Howl-Wadaag oo Maalintii Seddexaad u xiran Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Shineemooyin ku yaal Degmada Wanla-weyn oo amar lagu bixiyay in albaabada loo laabo