Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa

Talaado, February 05, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa saaka barqadii waxay weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha Daryeel ee Degmada Huriwaa, iyadoo kadibna uu dagaal xooggan dhexmaray Ciidamo Suuqaas Canshuuro ka qaada iyo Kooxaha hubeysan ee weerarka ku soo qaaday.
 
Dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha hubeysan ayaa waxaa uu sababay dhimasho soo gaartay labo Askari oo ka mid ahaa Ciidamadii Suuqa joogay, Haweeney la sheegay in ay Ciidamada u baari jirtay Haweenka Suuqa u yimaada in ay ka wax iibsadaan iyo weliba labo ruux oo rayid ah.
 
Goob-jooge lagu magacaabo Axmed Maxamed Xaaji oo degan Xaafadda Waxar-Cadde ee Degmada Huriwaa  ayaa sheegay in uu labada dhinac dagaal xooggan dhexmaray, isla markaana uu dagaalkooda ku faafay deegaanno ka fog Suuqa uu dagaalka ka bilowday, isagoo intaasna ku daray in ay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta Suuqa Xoolaha ee Dayax.
 
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaal ku dhexmaro Suuqa Dayax Ciidamada Dowladda Federaalka ee canshuuraha ka qaada iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana jiray weerarro dhowr ah oo horay loogu qaaday.
 
Ugu dambeyntiina, Dagaalka maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe uu xaafado ka tirsan Degmada Hodan uu ka dhacay dagaal labo saacadood socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo dagaalkaasina uu geystay dhaawaca 10 Ruux oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas yar yar oo habow ah.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia