Guddoomiyaha Degmada Shibis oo ka badbaaday Qarax Miino oo lagu dili lahaa

Talaado, February 05, 2008(HOL): Waxaa qarax lagu dili lahaa maanta ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadr Maxamed Cabdi Cali (Filfil) xili uu marayay inta u dhaxeysa Isgoysyada Maana-boolyo iyo Afarta Jardiino.
 
Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha oo loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee malaha fog laga hago ayaa wuxuu waxyeello gaarsiiyay Haweeney socotay meel u dhow halka uu Qaraxa ka dhacay, halka la sheegayo in aysan Guddoomiyaha wax dhibaato ah ka soo gaarin qaraxaas, marka laga reebo in uu gaarigiisa ka burburay qeybta hore.
 
Goob-jooge ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay oo ahayd Tabeelaha Jaceylka ayaa wuxuu sheegay in qaraxaas kadib ay goobta gaareen Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo qabqabtay Rag Xamaali ah oo raashin ka dejinayay Gaari yaalay meel aan u dheereyn halka uu qaraxa ka dhacay iyo weliba dad kale oo wadada socday.
 
Guddoomiyihii hore ee Degmada Shibis Abuukar Bandaas ayaa waxaa dilay bishii June ee sanadkii hore Kooxo hubeysan, iyadoo Guddoomiyahani maanta qaraxa lala beegsadayna uu yahay midkii seddexaad oo uu maamulka Gobolka Banaadir u magacaabo Degmadaas kadib markii uu dhawaan iskiis isu casilay Guddoomiyihii midkan ka horeeyay Kulmiye Yabarow Haruur.
 
Ilaa 9 Guddoomiye Degmo oo loo magacaabay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa horay loo dilay, sida uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena la dilay tan iyo markii la magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir Guddoomiye ku xigeenno iyo Guddoomiye Waaxeedyo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia