Isgoyska Howl-Wadaag oo Maalintii Seddexaad u xiran Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya

Talaado, February 05, 2008(HOL): Isgoyska Howl-Wadaag oo ah halka kaliya ee ay haatan Gaadiidka iyo Dadka ka galaan Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu maalintii seddexaad u xiran yahay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku hubeysan.
 
Ciidamada ku sugan Isgoyska ayaa waxay gebi ahaanba joojiyeen in ay Dadka iyo Gaadiidka isticmaalaan Isgoyska Howl-Wadaag, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay xaafadaha dhexdooda maraan si ay Suuqa Bakaaraha u galaan ama ay uga soo baxaan.
 
Gaadiidleyda iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo arrintan ay si weyn u saameysay ayaa waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Ciidamadaas ka qaaddo Isgoyska Howl-Wadaag oo ah meesha kaliya ee haatan laga galo Suuqa Bakaaraha kadib markii ay Ciidamo fadhiyo dartood u xirmeen Waddooyin dhowr ah oo Suuqa laga soo geli jiray.
 
Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa muddo ka badan 2 bilood waxay yihiin kuwo ay saldhig u noqdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo joojiyay gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Wadada Wadnaha, kuwaasi oo haatan isticmaala waddooyin xaafadaha dhexdooda ah.
 
Ugu dambeyntiina, ma muuqato tallaabo Ciidamadan looga qaadayo Isgoysyadaas oo ah kuwa laga soo galo Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha, marka laga reebo Afhayeenka Ciidamada Booliska C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac oo sheegay in aysan waxba kala socon Ciidamo xirtay Isgoyskaas, balse haddii ay arrintaas jirto ay wax ka qaban doonaan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia