Madaafiic Hoobiyayaal ah oo lagu weeraray fariisin ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku leeyihiin Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho

Jimco, February 29, 2008(HOL): Madaafiic hoobiyayaal ah oo aad u tiro badan ayaa maanta duhurradii lagu weeraray Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo fariisin KMG ah u ah qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.

Dad degan Xaafado aan u dheereyn  Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa Madaafiic dhowr ah oo ku dhaceysay Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, iyadoo sidoo kalena sheegay inay maqlayeen madaafiic kale oo ay Ciidamada Itoobiyaanka ku jawaabayeen, kuwaasi oo aysan ogeyn meel ay ku dhacayeen.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha ay geysteen madaafiicda lagu weeraray Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, iyo kuwa laga soo riday, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay mar hore dadkii deganaa ka barakaceen xaafadaha u dhow Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa had iyo jeeraale waxaa lagu weeraraa madaafiic hoobiyayaal ah iyadoo mararka qaarkoodna lagu qaado ciidamada halkaas ku sugan weerar fool ka fool ah, walow weerarkaas uu yahay mid aan waqti dheer socon.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Fariisimada ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Magaalada Muqdisho waxaa lagu qaadaa weerarro kala duwan, kuwaasi oo ay ka dambeeyaan Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia