Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay gaaray Degmada Cabuud-waaq, saakayna isaga baxay halkaas

Jimco, February 29, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysnaa Gaadiid Dagaal oo aad u badan ayaa waxay xalay gaareen Degmada Cabuud-Waaq ee Gobolka Galgaduud, iyagoo saakayna halkaas isaga baxay.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan ayaa markii ay gaareen Degmada Cabuud-waaq waxay kulamo la qaateen Waxgaradka iyo Odayaasha Degmadaas, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca ammaanka.

Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa waxay u sheegeen Odayaashii ay la kulmeen in ay doonayaan in uu dhexmaro iskaashi dhinaca sugidda ammaanka ah, gaar ahaan xadka ay Degmada Cabuud-Waaq la wadaagto dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Markii ay soo gebageboobeen kulamadii dhexmaray labada dhinac ayay Ciidamadii Itoobiyaanka iyo Saraakiishii hoggaamineysay isaga baxeen degmadaas oo ay waqti kooban ku sugnaayeen, iyagoo u jiheystay dhinaca Deegaanka Balanbal.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay 25 gaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa Ciidamada iyo Saadkooda qaada ayaa waxay gaareen Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku sugnaayeen muddo afar maalmood ah. Sidoo kalena Saraakiishii hoggaamineysay Ciidamadaas ayaa waxay wada hadal la qaateen Odayaal iyo Waxgarad deegaankaas ka soo jeeda, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan ammaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia