Jimco, February 29, 2008(HOL): Ciidamo kala taabasan Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu dhacay Degmada Raage Ceelle ee Gobolkaas, iyadoo dagaalkaasina uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Dagaalkan dhexmaray Ciidamada kala taabacsan Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle iyo ku xigeenkiisa Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) oo uu khilaaf u dhaxeeyo ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday labo ruux, afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray, waxaana lagu soo waramayaa in haatan ay xaaladda degmadaas kacsan tahay iyadoo la sheegayo in ay ku sii jeedaan ciidamo laga diray Degmada Jowhar, kuwaasi oo la doonayo in ay gacan ku heynta degmadaas kala wareegaan Ciidamada guddoomiye ku xigeenka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa sheegay in ay kooxo maleeshiyooyin ah ay weerar ku qaadeen Degmada Raage Ceelle, kuwaasi oo sida uu yiri Isbaarooyin dhigan jiray meelo ka mid ah gobolka, wuxuuna sheegay in ay maleeshiyooyinkaas tallaabo ka qaadayaan.
Laakin Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) ayaa isna wuxuu dhankiisa sheegay in Maleeshiyooyin ka amar qaata Maxamed Cumar Deelle oo sida uu u yiri ka yimid Deegaanka Meyr Tuugo uu ku soo weeraray Degmada Raage Ceelle oo ay ku sugnaayeen Ciidamo deegaanka u dhashay.
Xuseen Dheere ayaa qiray in dagaalka dhexmaray labada dhinac uu salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna horay u sheegay in uu dhowrayo waxa ay khilaafkaas ka qabato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu magacawday mas’uuliyiinta is-heysata ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia