Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo booqasho ku tegay Magaalada Hargeysa

Jimco, February 29, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa booqasho ku tegay Magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Ergaygan ka socday Qaramada Midoobay oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Hargeysa ayaa wuxuu xalay kula kulmay Qasriga Madaxtooyada Somaliland Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, kaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaaladda Geeska Afrika iyo weliba Horumarka ay Somaliland ka gaartay dhinacyada Dimoqraadiyadda, Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha.

Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Hargeysa wuxuu sidoo kale la kulmay Wakiillo ka socday Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland iyo weliba madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid ee kala ah Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe, kuwaasi oo ay sidoo kale isla soo qaadeen arrimo ku saabsan horumarka Somaliland iyo dadaalka ay ugu jirto in loo aqoonsado Dal madax bannaan.

Danjire Ahmedou Ould Abdallah oo horay booqasho ugu soo maray Magaalooyinka Garowe, Boosaaso iyo Baydhabo oo uu kula soo kulmay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Puntland ayaa wuxuu socdaalkiisan Somaliland ahaa midkii ugu horeeyay oo uu halkaas ku tago tan iyo markii loo magacaabay Arrimaha Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa wuxuu dadaal ugu jiraa sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya, isagoo doonaya inay wada hadallo yeeshaan dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, walow ay jiraan shuruudo ay labada dhinac ku xirayaan wada hadallo dhexmara.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia