Uganda oo sheegtay in ay awooddo in ay Ciidamo dheeraad ah u dirto Soomaaliya

Madaxweynaha Uganda Yoweri K. Moseveni
Jimco, February 01, 2008(HOL):  Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay awood u leedahay in ay Ciidamo gaaraya 8,000 oo askari ay kaligeed u dirto Soomaaliya oo ay haatan ka joogaan Ciidamo gaaraya 1,600 oo Askari.

Madaxweynaha Uganda  Mr. Yoweri Museveni oo Magaalada Addis Ababa uga qeybgelaya Shir Madaxeedka Afrika ayaa hadalkan ugu sheegay Hotelka Sheraton Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, inkastoo uu sheegay in uu arrintan kala hadlayo saraakiisha sare ee Ciidamadiisa.

Mr. Ban Ki-Moon ayaa markaasi kadib waxaa uu walaac ka muujiyay sida aysan ballanqaadkooda uga dhabeynin dalal badan oo ballanqaaday in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in 8,000 Askari oo laga sugayay Dalalka Midowga Afrika ay haatan ka joogaan Soomaaliya 2,000 oo Askari oo ka socda Dalalka Uganda iyo Burundi.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni wuxuu sheegay in Ciidamo u dirista Soomaaliya ay ahayd mas’uuliyad wada saaran Dalalka Midowga Afrika, wuxuuna dhaliilay in ay dalalka qaarkood Ciidamo u dirista ay ku xiraan Dhaqaale la siiyo, wuxuuna intaas ku daray in dalka Tanzania uu ciidamo gaaraya 50,000 oo Askari uu u diray Uganda xiligii dalkaas laga xoreynayay Madaxweynihii hore ee Uganda Mr. Idi Amin.

Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon oo sii hadlayay ayaa isna wuxuu ku ammaanay Ciidamada Uganda wax uu ugu yeeray howsha wanaagsan ee ay Soomaaliya ka hayaan, wuxuuna caddeeyay in ay howshaas tahay mid mudan in la soo dhaweeyo.

Ugu dambeyntiina, Hadalka Madaxweynaha Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamada Uganda ee jooga Muqdisho dhowr jeer weerarro lagu qaaday, isla markaana weerarkii ugu dambeeyay oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso looga dhaawacay seddex Askari, halka uu burbur xooggan soo gaaray gaarigii ay saarnaayeen ee ay Miinada la kacday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia