Shiikh Shariif oo Shuruud ku xiray wada hadallo ay la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Soomaaliya- Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Jimco, February 01, 2008(HOL):  Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aysan suurtagal ahayn inay wada hadallo la furaan Dowladda Federaalka tan iyo ay dalka ku jiraan Ciidamada Itoobiya.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in uu wanaagsan yahay qorshaha uu soo bandhigay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee ku saabsan inay wada hadlaan Dowladda Federaalka iyo dhinacyada ka soo horjeeda, hayeeshee waxaa uu sheegay in uu wada hadalkaas dhici karo kadib marka ay dalka ka baxaan Ciidamada Itoobiya.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu sheegay in Isbaheysi ahaan ay daneynayaan in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya balse loo baahan yahay in marka hore dalka laga saaro Ciidamada Itoobiya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo rabta in wada hadal lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in uu dhawaan kula kulmay Magaalada Asmara Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan wada hadallo uu doonayo in ay dhexmaraan iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuuna caddeeyay inay wada hadalladooda yihiin kuwo socda oo aan soo gunaanadmin.

Hadalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadad Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu sheegay in ay wada hadallo la furayaan dhinacyada ka soo horjeeda dowlada haddii ay ku sugan yihiin gudaha dalka iyo haddii ay ku sugan yihiin dalka dibaddiisa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ah kuwo ay saameeyaan dhibaatooyinka ka dhacaya Soomaaliya ayaa wuxuu aad u daneynayaan in mar uun ay wada fariistaan oo uu is-af-garad dhexmaro, si fure loogu helo mushkiladda Soomaaliya ka taagan mudada 20-ka sano ku dhow.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia