Jimco, February 01, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen guriga Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkaasina uu Xildhibaanka ka soo gaaray dhaawac.

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo xalay la dhaawacay
Weerarka uu Xildhibaanka ku dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ahaa mid loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro, kaasi oo sababay in Xildhibaanka uu caloosha dhaawac ka soo gaaro, iyadoo kadibna Isbitaal loola cararay.
Xildhibaanka ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina, iyadoo dhaqaatiirta ku howlan daweyntiisana ay sheegayaan in uu ka soo reynayo Caafimaadka Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.
Waa Xildhibaankii ugu horeeyay oo lagu weeraro gurigiisa, isla markaana dhaawac loo geysto tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo degtay magaalada Muqdisho, inkastoo ay jireen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo weerarro kala duwan loo geystay.
Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa marka laga soo tago in uu yahay Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka tirsanaa Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada ee Muqdisho lagu aas-aasay 18-kii Febraayo 2006, kaasi oo ay ku mideysnaayeen in ka badan 10 Hoggaamiye kooxeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia