Axmed Diiriye oo sheegay in Saraakiil Itoobiyaan ah oo xukumeysay Xabsigii uu ku xirnaa ay weydiiyeen su’aal ka yaabisay oo uu jawaab u waayay

Afhayeenka Dhaqanka ee  Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye
Jimco, February 01, 2008(HOL):  Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Axmed Diiriye Cali ayaa shaaca ka qaaday su’aal  uu jawaab ka bixin waayay oo ay weydiiyeen Saraakiil Itoobiyaan ah oo xukumeysay xabsigii uu ku xirnaa.

Axmed  Diiriye Cali waxaa uu sheegay in intii ay ku xirnaayeen Xabsiga ay u imaan jireen Saraakiil Itoobiyaan ah, isla markaana ay weydiin jireen su’aal ah waxa ay isku heystaan Soomaalida oo hal qowmiyad ah, iyadoo aysan is-heysan Itoobiya oo 72 Qowmiyadood ah oo Afaf kala duwan ku hadla marka laga reebo Afka Amxaariga ah oo ay ku wada hadlaan.
 
“Wixii aan ka soo macaashay Xabsigi aan ku  xirnaa  waxaa ka mid ahaa subaxdii ayaa waxaa noo imaan jiray Niman Saraakiil Itoobiyaan ah oo wata Turjumaan Soomaali ah, waxay na  leeyihiin waxaan idiin sheegeynaa 72 Qowmiyadood ayaan nahay Afka Amxaariga ayaan ku wada hadalnaa mana dirirno ee Idinkoo Soomaali ah oo hal Qowmiyad ah maxaad isku heysaan oo aad isu dileysaan?, marka ay intaas na weydiiyeen waan weynay wax aan u sheegno waayo xoolo ayaan nahay oo dad ma ahin ma dhihi karno, sawirro ayaan nahay ma dhihi karno, sababtaas ayaan u dirireynaa ma dhihi karno, dad uun amar ku dhacay in aan nahay ayaan isaga aamusay”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in uu hadalkaas la yaab ku noqday.
 
Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in aaney jirin wax lagu gaarayo dagaal dabada laga hayo, wuxuuna ku baaqay in la wada hadlo oo wax la wada qeybsado, “Labada dhinac ee Soomaaliya isku haya mid wuxuu leeyahay dowlooy, Itoobiyaay, yaa dad ahooy, kaalaya, midka kalena wuxuu leeyahay war yaa Islaam ah war xagaad jirtaaney meel walba ka imaada, wixii meeshaas ka soo baxana waxay noqonayaan wax cimrigaaga ku filan oo xabad ayaa ku dileysa ama cimrigaaga ayaa dhamaanaya”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo ka qeybgelayay Barnaamijka Hadal-heynta Todobaadka ee ka baxa Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.
 
Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in aysan Gole ahaan dhinac la jirin Dhinacyada isku haya Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay yihiin Odayaal ku baaqa in xabadda iyo dagaallada la joojiyo, “Dowlad haddii aan ka tirsanaan lahayn waxaan ka qeybgeli lahayn Shirkii ay Dowladda waday ee lagu qabtay Xaruntii Gaadiidka Booliska, haddii aan dhinaca ka soo horjeeda ka mid ahaan lahayn-na waxaan ka qeybgeli lahayn shirkii Asmara lagu qabtay”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.
 
Dhanka kalena, Afhayeenka Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sii deyntiisa wuxuu uga mahadceliyay intii ka qeybqaadatay oo uu si gaar ah uga xusay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu sheegay in uu yahay mid ku socda waddo ka duwan tii uu qaaday Ra’iisal Wasaarihii isaga ka horeeyay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia