Dalalka Awoodaha Mileteri isugu faana ee Dunida oo Xeebaha Soomaaliya ku sameynaya Bandhig-Hubeed

Cabirka Farta

Jimco, December 26, 2008(HOL): Dalalka Awoodaha Mileteri isugu faana ee Caalamka ayaa waxay Xeebaha Soomaaliya u soo direen Maraakiib dagaal, gaar ahaan kuwa wax burburiya iyo ciidamo saaran oo aad u tiro badan.

Dowladahan oo ogolaasho ka helay Qaramada Midoobay si ay u galaan Biyaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ay ka qeyb-qaadanayaan Howlgal loogu magac daray Atalanta oo lagula dagaallamayo Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo Xeebaha Soomaaliya ka dilaacay.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska oo ah 5-ta dal ee codka diidmada qayaxan ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhamaantood waxaa haatan Xeebaha Soomaaliya ka jooga Maraakiib dagaal iyo ciidamo la socda, waxayna Maraakiibtooda u muuqdaan kuwo dhoola-tus isu sameynaya.

Maraakiibtaas dagaal ee ay leeyihiin Dowladaha codka Veto-ga ku leh UN-ka waxaa soo raaca Dowlado kale oo ka tirsan Ururka Midowga Yurub, kuwaasi oo iyana Ciidamo u diray Xeebaha Soomaaliya, waxayna qeyb ka yihiin Dowladaha dhoola-tuska Mileteri ku sameynaya Xeebaha Soomaaliya.

Haddaba iyadoo ay Dowladahaas awoodda Mileteri isugu faana ay Maraakiibtooda iyo Ciidamadooda ku sugan yihiin Xeebaha Soomaaliya ayaa hadana waxaa Xeebaha Soomaaliya ka sii socda Afduubka Maraakiibta loo geysanayo, tiiyoo ay xusid mudan tahay in weli gacanta kooxo burcad badeed ah ay ku jiraan labo markab oo waa weyn oo midkood uu Hub wado, halka midka kalena ay ku raran tahay Saliid ceyriin oo aad u badan.

Dad badan ayaa is-weydiinaya sababta intaas oo Dowladood ay wax uga qaban la' yihiin kooxo burcad-badeed ah oo aad u tiro yar marka loo eego maraakiibta iyo ciidamada saaran ee loo diray, waana tan keeneysa in shaki laga muujiyo in Dowladaha Ciidamadooda u diray Soomaaliya u socdaan kaliya in ay hubkooda tusaan Dalalka Dhiggooda ah ee iyana Ciidamada u soo diray Soomaaliya.

Waxaa jira walaac ay Dadka Soomaaliyeed ka muujinayaan Maraakiibtaas tirada badan ee loo dirayo Xeebaha Soomaaliya, waxayna dadka qaarkiis qabaan in aaney Maraakiibtaas ahayn kuwo Burcad la dag, haallamaya, hayeeshee ay yihiin kuwo loo soo diray in ay kheyraadka ka xaalufiyaan Xeebaha Soomaaliya halka ay jiraan Dad kale oo qaba in ay dhici karto in Dowladaha qaarkood ay Xeebaha Soomaaliya u soo qaadeen sunta haraaga ah ee ka soo hartay Warshadahooda Nukliyeerka.

Soomaaliya oo uu Qaran-jab ku dhacay sanadkii 1991-kii ayaa tan iyo xiligaas waxaan loo helin dowlad awood leh oo xajisan karta ammaan-xuduudeedkeeda haddii ay ahaan lahayd Badda iyo Berriga, waxayna taasi keentay in xuduudaha Soomaaliya ee Badda iyo Berriga la iska soo galo amar la’aan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia