Jimco, December 26, 2008(HOL): Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay wuxuu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Dalka Kenya.
Marxuum Cali Cusmaan Jidow oo ah Xildhibaanka geeriyooday ayaa wuxuu in muddo ah qabay xanuun loo dhigay Isbitaal, kaasi oo ugu dambeyntii uu u geeriyooday.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxmed Cumar Dalxa oo xaqiijiyay geeriyoda Xildhibaanka ayaa wuxuu tacsi u diray qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumka ka geeriyooday, wuxuuna Allaah uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.
Marxuum Cali Cusmaan Jidow ayaa wuxuu ka mid ahaa Xildhibaannada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku jira ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, wuxuuna ahaa guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ma ahan Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka geeriyooday Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay u jiray Xildhibaanno dhowr ah oo siyaabo kala duwan u geeriyooday intii ay soo jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia