Jimco, December 26, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku eedeeyay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab in uu hub hor leh soo gelinayo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in hub la soo geliyo Soomaaliya uu keenyo dhibaatooyinka amni la’aaneed oo sii kordha.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Gobolka C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dhaqdhaqaaq Al-Shabaab uu Waddo ka sameynayo inta u dhaxeysa Ceel Macaan iyo Caliyaale, si buu yiri ay Dekedda Ceel Macaan uga soo degsadaan Hub.
C/fataax Shaawey oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in sameynta Wadadaas ay gacan-ka-geysaneyso Hay’adda WFP qeybteeda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in looga baahnaa WFP haddii ay waddo dhiseyso in ay dhisto Waddooyinka burbursan ee Muqdisho.
“Waxaan u sheegeynaa Dadka nabadda Soomaaliya u ololeeya, gaar ahaan Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah in WFP ay ka shaqeyneyso wax aan wanaagsaneyn oo lid ku ah in ay nabad ka dhalato Soomaaliya”ayuu yiri C/fataax Shaawey.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Hay’adda WFP oo ku aadan eedeynta uga timid maamulka dhawaan loo doortay Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia