Ciidamo ka tirsanaa Midowga Maxkamadaha oo ku biiray kooxda Al-shabab qeybtooda Goballada dhexe

Cabirka Farta
Jimco, December 26, 2008(HOL):   Ciidamo horay uga tirsanaa Midowga Maxkamadaha Goballka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ku biireen koox Diimeed Al-Shabaab qeytooda Goballada Dhexe.
 
Munaasabad loo qabtay Midowga labada dhinac isla markaana ay goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah xubnihii hor kacayay Ciidamada ka soo go'ay Midowga Maxkamadaha kuwaas oo faah faahin ka bixiyay sababta keentay in ay ka soo leexdaan garabkii ay wada socdeen.
 
Shiikh Shuuriye Macallin oo u hadlayay Ciidamada ku biiray kooxda Al-shabaab ayaa sheegay kadib markii ay arkeen in Maxkamaduhu ka leexdeen hadafkii markii hore loo aas-aasay ay gar-waaqsadeen isaga iyo saaxiibadiis in ay la bahoobaan kooxda Al-Shabaab si loo sii amba qaado howlihii Jihaadka.
 
Shiikh Shuuriye waxaa uu intaas ku daray in uu uga digo shacabka Soomaaliyeed in aysan ku hungoobin heshiiska lagu gaaray dalka Jabouti maadaama ayuu yiri heshiiskaasi yahay mid la doonayo in lagu wiiqo awoodda Mujaahidiinta"Annaga waxaa naga go'an in aan isku si ula dagaalanno Cadawga iyo kuwa la safta ayuu yiri Shuuriye Macallin.
 
Sidoo kale Madaxa kooxda Al-shabaab ee Goballada Dhexe Shiikh Cali Dheere ayaa mahad celin u jeediyay Ciidamada ku soo biiray, waxaana uu sheegay in uu ka rajeynayo Walaalaha Mujaahindiinta meel kasta oo ay joogaan in ay sida oo kale midoobaan.
 
Maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Beledweyne ka jiray dhaq dhaqaaq Ciidan, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor qeybo ka mid ah magaalada la kala wareegeen dhinacyo Siyaasad ahaan iska soo horjeeda walow markii danbe Odayaashu xaliyeen shaqaaqo ka dhalatay kooxaha magaalada kala qabsaday.
 
Munaasabadda lagu qabtay Magaalada Beledweyne oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ayaa waxaa ay muujineysaa sida ay u sii kala fur furmayaan kooxihii markii hore isku dhinaca ka soo wada jeeday kuwaas oo qaarkood la kala baxay magacyo gaar ah, inkastoo hadana marka aad la sheekeysato koox walba ay kuu sheegeyso in hadafkeedu yahay in dalka laga xoreeyo Cadow ku soo duulay Diinta iyo Dalka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia