Jimco, December 19, 2008(HOL): Baarlamaanka Jarmalka ayaa maanta waxaa uu isku raacay in Dowladda Jarmalka ay Markab dagaal u dirto Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo ka qeybqaadan doona la-dagaalanka Kooxaha Burcad Badeedka.
Markabka Dagaal ee ay Dowladda Jarmalka u direyso Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Karlsruhe; wuxuuna ka mid noqon doonaa maraakiibta howlgallada ka fulinaya Xeebaha Soomaaliya.
Go’aanka uu maanta gaaray Baarlamaanka Jarmalka ayaa waxaa horay ugu codeeyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Angela Merkel oo awood u siiyay ciidamada iyo markabka dagaal ee uu Jarmalka u dirayo Xeebaha Soomaaliya in ay la dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka, isla markaana ay awood ku sii daayaan Maraakiibta iyo Shaqaalaha ay qafaashaan Kooxaha Burcad Badeedka.
Howlgalka ay Maraakiibta Dagaal ee Midowga Yurub ka fulinayaan Xeebaha Soomaaliya oo lagu magacabo Atalanta ayaa waxaa looga gol leeyahay in xeebaha Soomaaliya looga nadiifiyo kooxaha burcad Badeedka ah ee ka dilaacay.
Waa Markabkii ugu horeeyay oo ay Dowladda Jarmalka u dirto dibadda, si uu uga qeybqaato howlgal lagu dagaallamo Burcad Badeedka ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.
Horay waxaa Xeebaha Soomaaliya ugu sugnaa Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka, Ruushka, Faransiiska, Spain, Hindiya iyo kuwo kale oo ka socda dalal ka tirsan Midowga Yurub, inkastoo aaney ilaa iyo haatan ku guuleysan in ay sii daayaan Maraakiib lagu heysto Xeebaha Soomaaliya oo ay ku jiraan labo Markab oo mid hub uu ku raran yahay, halka midka kalena uu wado Saliid Ceyriin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia