Jimco, December 19, 2008(HOL): Ciidamada badda ee maamulka Puntland ayaa bilaabay hawlgallo ka dhan ah la dagaalanka Burcad badeedka oo beryihii u dambaysay si aad ah ugu soo badanayay Xeebaha Puntland iyo meelo ka baxsan Xeebaha Gacanka Cadmeed.
Sii haya xilka Wasaaradda Dekaha; ahna Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in la bilaabay qorshayaal wax ku ool ah oo wax looga qabanayo Burcad Badeeda, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan Maamulka Puntland iyo Dawladda Yemen.
Waxaa sidoo kale uu sheegay Wasiirka in arintani uu gacan weyn ka gaysan doono maamulka si loo helo xal dhab oo ku aadan Burcadda Badda, iyoadoo inta badan ay dhacaan falal lagu waxyeelaynayo xiriirka Puntland kala dhaxeeya Dawladaha kale ee caalamka.
Dhawr maraakiib oo nooca dagaalka ah oo ay leedahay Shirkada Somcan ee xeebaha Puntland ayaa la sheegay in la geeyay meelo aan sidaa uga fogayn xeebaha gacanka cadmeed si ay ula dagaalamaan Burcad badeedka.
Dhawaan ayay ahayd markii Jaaliyadda Yemen ay xafiis ka furtay magaalada Boosaaso kadib markii maamulka Puntland uu ku guulaystay in la soo furdaamiyo markab laga lahaa dalka Yemen oo ay gacanta ku hayeen kooxo burcad badeed ah,waxaana iskaashigan la filayaa in uu wax ka badalo dhibaatada Burcada Badeedka.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
Maamulka Puntland iyo Dawlada yemen oo iska kaashanaya la dagaalanka Burcad Badeedka
Cabirka Farta
More News
- Madaxweyne Rayaale oo socdaal ugu kicitamay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya
- Baarlamaanka Jarmalka oo meel-mariyay in uu Markab Dagaal u diro Xeebaha Soomaaliya
- Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Jabuuti kadib maalmo uu Muqdisho ku sugnaa
- Qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay Baydhabo