Jimco, December 19, 2008(HOL): Wafdi uu hoggaamiyo guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo ku sii jeeday Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Djibouti.
Shiikh Shariif ayaa saxaafadda kula hadlay garoonka Muqdisho, isagoo sheegay in socdaalkiisa uu ku saabsan yahay sidii uu uga qeybgeli lahaa shir ay Dowladda Somalia iyo Isbahaysiga dib u xoreyntu ku yeelanayaan Jibouti.
"Ciidamada Ethiopia waxay kaga baxayaan sida ugu dhaqsiyaha badan, maadaama maanta ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay" ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay inay filayaan inay bixitaan bilaabaan wixii maanta ka dambeeya.
Shiikh Shariif wuxuu sheegay in guddiyada ammaanka ee Isbahaysiga Dib u xoreynta iyo Dowladda Federaalka ay diyaar u yihiin inay sugaan ammaanka guud ee dalka marka ay Ciidamada Ethiopia baneeyaan saldhigyadooda.
Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta oo ka hadlayay wixii uu qabtay xiligii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu la kulmay dhamaan dhinacyada Somalia, uuna u sharaxay heshiiskii dalka Jabuuti ay ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
"Dhinacyadii aan la kulmay oo dhan wey aqbaleen heshiiska Jabuuti, marka haddii Soomaalidu ay ogolaadeen heshiiskaan waxaan filayaa in la gaaray xiligii howsha lagu wareejin lahaa" ayuu yiri Shiikh Shariif.
Qaar ka mid ah dagaalyahannada dagaalka kula jira ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan ayaa ku tilmaamay heshiiska Jabuuti mid aan khuseyn, iyagoo sheegay inuusan dhaqangalayn.
Shiikh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxaa sagootiyay xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur iyo xubno kale oo Isbahaysiga ka tirsan.
Socdaalka uu Shiikh Shariif Shiikh Axmed ugu amba baxay Dalka Jibouti ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu dalka Jibouti gaaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia