Jimco, December 19, 2008(HOL): Qarax bambaano oo lala beegsaday ciidamo boolis ah oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa sababay inuu dhinto hal askari oo boolis ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kale oo ka badan 20 ruux, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa Baydhabo xili ay dad badan ka dukaameysanayeen; waxaana dadka dhaawacmay oo isugu jiray Shacab iyo Boolis la dhigay dhaawacooda Isbitaalka Magaalada Baydhabo.
Kooxaha Qaraxaas ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo ganacsatadii iyo dadkii ku sugnaa Suuqa Baydhabo ee ka badbaaday qaraxa ay ka carareen si ay uga nabadgalaan rasaas ay fureen ciidamada Dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Baaritaano ay sameeyeen Ciidamada Booliiska Baydhabo ayay ku qabqabteen dhowr ruux oo ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen Qaraxa sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca isugu jira.
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Baydhabo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubnaha ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa in muddo ah waxaa sii xumaanayay ammaankeeda, waxaana ka dhacayay falal isugu jira dilal, qaraxyo iyo weerarro lagu qaado xarumaha mas’uuliyiinta Dowladda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia