Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Golaha Guurtida Goballka Hiiraan

Cabirka Farta
Talaado, December 16, 2008(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna qabtay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan in uu noqdo Nabadoon Max'uud Axmed Xooshow (Koronto) kadib markii uu geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Golaha Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow.
 
Munaasabadda oo marka laga soo tago Golaha Odayaasha dhaqanka sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen dhamaan qeybaha Bulshada ayaa dhamaan dhinacyadii ka hadlay waxaa ay si weyn ugu amaaneen wax qabadkii Alle ha u naxariistee Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo sida la tilamaamay ahaa Nabadoon si weyn ugu olaleeya nabadda, isla markaana wax badan qabtay intii uu noolaa.
 
Waxaana sidoo kale dhinacyadii ka hadlay Munaasabadda caleema-saarka ay ka codsadeen Guddoomiyaha cusub in uu sii wado howlihii uu bulshada u hayay Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow.
 
Intaa kadib waxaa halkaas lagu dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Odayaasha Dhaqanka Goballka Hiiraan Nabadoon Max'uud Axmed Xooshow oo sheegay in uu u shaqeyn doono si daacad isla markaana uu xoogga saari doono arrimaha dib u hishiisiinta iyo waliba sidii Goballka loo nabadeyn lahaa.
 
Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan oo ka kooban 63- Xubnood ayaa u taagan Gole wakiillo ah oo uu uu lee yahay Goballka Hiiraan, waxaana xusid mudan in Goluhu mar walba leeyahay go'aan ka gaarida arrimaha la xiriira dhaqanka iyo waliba Siyaasadda  oo si weyn loogu qadariyo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia