Guddiga Wadajirka Amniga ee Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Muqdisho ku shiray

Cabirka Farta

Talaado, December 16, 2008(HOL): Guddiga Wadajirka ah ee Amniga qaabilsan ee ka soo baxay Wada hadalladii Jibouti ayaa maanta waxay shir ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Sida uu Saxaafadda u sheegay Saleebaan Colaad Rooble Xubnaha Guddigan ayaa waxay shirkooda si qoto dheer uga hadleen qaabkii ay u guda geli lahaayeen howlaha amniga ee hor-yaalla, wuxuuna intaas ku daray in ay isla garteen in iyadoo la tixgelinayo Heshiiskii in la joojiyo colaadaha huebysan iyo dacaayadaha keeni kara sii socodka colaadaha, isla markaana loo guntado sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay Saleebaan Colaad Rooble in ay labada dhinacba isla garteen in ay dardar geliyaan sidii looga miro-dhalin lahaa heshiiskii Jibouti ee la xiriira Arrimaha Amniga.

“Guddigu waxay ugu baaqayaan Beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Hay'adaha Qarramada Midoobay inay ka dhabeeyaan ballanqaadyadoodii la xariiray taakuleynta hawlaha horyaalla guddiga wadajirka ee Amniga, soona dedejiyaan keenista ciidamo gacan ka geysta sugidda nabadgelyada dalka Soomaaliya”ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble oo intaas ku daray in ay guddiga sidoo kale ugu baaqayaa Qaramada Midoobay iyo  Beesha Caalamkaba soo de-dejinta keenista gargaarka bani’aadannimo si buu yiri loo badbaadiyo Dadka Dagaallada dhibaateeyeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia