Sidee ku wada shaqeyn karaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka mar haddii Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida siiyay Xumkuumadda Ra'iisul Wasaare Nuure Cadde?

Cabirka Farta

Talaado, December 16, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu si cad Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga sheegay in uu xilkii ka qaaday Ra'iisal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) isagoo ku eedeeyay qodobo ay ka mid ahaayeen Musuq, xilgudasho la'aan, iyo waliba qiyaano qaran, waxaana uu intaas raaciyay Madaxweynuhu in mudo Saddax maalmood gudahood ah uu ku soo magacaabi doono Ra'iisal Wasaare cusub.

Madaxweynaha ayaa u muuqday markii uu hadalkan jeedinayay Mas'uul isku kalsoon isla markaana heysta inta badan kalsoonida Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Federaalka laakiin taasi ma noqon oo fadhi ay ku yeesheen Magaalada Beydhabo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku waxaa ay Cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xukuumada Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.
 
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shiikh Aadan Max'ed Nuur (Madoobe) oo Warbaahinta la hadlayay kadib go'aanka uu qaaday Baarlamaanka ayaa dhiniciisa ka weeraray hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo uu sheegay in uu ahaa mid baal marsan sharciga, isaga oo dhinaca kale ugu baaqay Madaxweynaha in uu ka fiirsado qaadashada go'aamada noocaas oo kale ah.
 
Hadaba marka la fiiriyo wararka ay isu tabinayaan Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa markiiba Su'aal la dul saari karaa sida uu noqonayo Mustaqbalka wada shaqeyneyd ee dhaxmari kara Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka oo ah kuwo uu u dhaxeeyo khilaaf bannaanka yaala.

Tusaale ahaan Madaxweynaha Dowladda Federaalku waxaa uu ku tilmaamay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde in uu yahay shaqsi galay qiyaano qaran kuna guul dareystay in uu wax badan qabto, halka Ras'iisul Wasaaruhuna ku tilmaamay Madaxweye C/llaahi Yuusuf  in uu  yahay qof cuuryaaminaya habsami u socda howlaha Xukuumada isla markaana doonaya in dalku ku sii jirto fowdo iyo Dagaal, waxaana marka aad u sii fiirsato erayadaan ay yihiin kuwo muujinaya sida ay u yar tahay is aaminaad iyo wada shaqeyn buuxda oo dhaxmarta Mas'uuliyiinta sar sare ee Dalka.
 
Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan sida ugu dambeytii uu Madaxweynuha ka yeeli doono go'aanka ka soo baxay Baarlamaanka ee ku gacan seyraya xilka qaadistii uu ku sameeyay Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde, inkastoo Madaxweynuhu uu horay u sheegay in uu aqbalayo haddii uu Baarlamaanku ogolaado in ay sii shaqeyso Xukuumada Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.
 
Si kastaba arrrintu ha ahaatee, ma'aha wax sahlan halka xaalku marayo maxaa yeelay waxa wada shaqeyn looga fadhiyaan Mas'uuliyiin kalsoonidu ku yaartay si cadna mid walba kan kale ugu eedeeyay in uu yahay kan cuuryaaminaya shaqada Qaranka, balse  la arki doonee halka ugu danbeytii arintu saldhigato..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia