Talaado, December 16, 2008(HOL): Xaflad lagu qabtay Hotelka Bakiin ee Magaalada Baydhabo oo uu degan yahay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa xalay lagu dhaariyay Wasiirradii iyo Wasiir ku xigeennadii uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
10 Wasiir iyo 17 Wasiir ku xigeen oo uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku biiriyay Xukuumaddiisa kadib markii ay is-casileen 10 Wasiir iyo 3 Wasiir ku xigeen oo Xukuumaddiisa horay uga tirsanaa ayaa la mariyay dhaar ah in ay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan danta dalka, dadka iyo diinta, ayna u hoggaansami doonaan shuruucda dalka u degsan.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo la dardaarmayay Wasiirradaas kadib markii la dhaariyay ayaa wuxuu sheegay in looga fadhiyo Wasirrada in waqtiga u harsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aad u yar ay wax badan qabtaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii dalka iyo Dadka Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa.
Dhaarinta Wasiirradaas ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo shalay baarlamaanka Soomaaliya uu codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo ay xusid mudan tahay in maalintii dorraad ahayna uu Madaxweyne Yuusuf ku dhawaaqay in uu xilkii ka qaaday Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxay u muuqataa mid cagta saartay dhabihii burburkeeda, waxaana iska cad in madaxda sare ee Dowladda uu mid kasta ugu dhaqmayo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu isagu rabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia