SHIIKH SHARIIF: “C/llaahi Yuusuf Dadka wanaag ayuu ku metelaa ee xumaan kuma metelo, awoodna uma lahan in uu burburiyo Heshiiskii Jibouti”

Cabirka Farta

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Khamiis, November 20, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa  maanta wuxuu  shir jar’aaid ku qabtay Hotelka Laf-weyn oo uu degan yahay, wuxuuna shirkiisa jaraa’id uga hadlay arrimo dhowr ah oo kala ah ujeedada socdaalkiisa Muqdisho, Heshiiskii Jibouti iyo  sida uu u arkayo hadal uu ku mucaaraday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Arrinta Burcad Badeedka iyo dhaqamada soo galootiga ku ah dadka Soomaaliyeed ee ay dilalka iyo Af-diuubka.
 
Waxaa uu ka hadlay ujeedka socdaalkooda Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay ugu horeyso in ay la kulmaan dadka Muqdisho oo ay ugu horeeyaa sida uu hadalka u yiri Muqaawamada, sidoo kalena waxaa uu sheegay in waxyaabaha ay u yimaadeen ay qeyb ka tahay in la dhaqangeliyo heshiiskii Jibouti oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in xabadda la joojiyo iyo in laga shaqeeyo sidii ay Ciidamada Itoobiyaanka u bixi lahaayeen.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in ay dadaal iyo juhdi ku bixinayaan sidii dagaallada loo joojin lahaa, wuxuuna sheegay in ay dadka Soomaaliyeed ka daaleen dagaallo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in wax kasta laga wada hadlo.

Waxaa uu intaas ku daray Shiikh Shariif Shiikh Axmed in ay soo dhaweynayaan oo ay la hadlayaan cid kasta oo mas’alo diineed wadata, cid kasta oo danta dalka ka hadleysa, iyo cid kasta oo dan gaar ah wadata ay soo dhaweynayaan, gacmahoodana ay furan yihiin, wuxuuna caddeeyay in ay diyaar u yihiin in ay ka haraan haddii waxa ay wadaan ay noqdaan wax ka soo horjeeda Diinta Islaamka.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo walaalo ah ay dhibaatooyin soo dhexmareen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay u taagan yihiin sidii dadkaas loogu cadaalad fali lahaa.

Halkan ka dhegeyso
Shirka Jaraa'id

Wuxuu ka hadlay Burcad Badeedka, dilalka gaadmada ah  iyo af-duubka, wuxuuna sheegay in arrimahaas wax u dhimayaan Qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed oo aan arrimahaas looga baran ay la gudboon tahay in uu ka hortago falalkaas.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay hadal uu dhawaan sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ahaa in heshiiskaas ay beel gaar ah gaartay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in heshiiska Jibouti ay wada galeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, Dowladda Federaalkana ay u saxiixeen dadkii ay soo dirsatay.

“C/llaahi haddii uu soo dirsanayo nin ay isku beel yihiin annaga ma diidin, laakin isaga ayaa soo dirsaday Axmed C/salaan, marka markii uu heshiiska saxiixay in uu yiraahdo Axmed C/salaan waa beel kale, waxay ila tahay arrin ku haboon ma ahan madaxweynaha, arrin sax ahna ma ahan, arrinta labaadna heshiiskan ma ahan heshiis C/llaahi Yuusuf iyo qof kale u dhaxeeyo, waxaa uu u dhaxeeyaa Umadda Soomaaliyeed, Adduunkana goob-joog ayuu ka yahay, xil ayaana ka saaran, marka haddii uu u maleynayo in uu heshiiska burburin karo, ma burburin karo, arrinta kale waxay tahay C/llaahi Yuusuf dadka wanaag ayuu ku metelaa ee xumaan kuma metelo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in Reer Puntland aysan fikirkaas la qabin Madaxweyne Yuusuf.

Waxaa uu ka hadlay bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Ciidamada Itoobiya bixitaankooda heshiis lagu gaaray, heshiiskaasna loo baahan yahay in la fuliyo, “arrintaas waxyaabaha aan u nimid ayay qeyb ka tahay waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegeynaa in ay Itoobiyaanka baxayaan Haddii Alle idmo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in uu ka xun yahay in sida uu u yiri lugaha lagu dhego Ciidamada Itoobiya iyagoo doonaya in ay baxaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia