![]() |
| Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi |
Shirka oo markii hore uu ajendihiisa ahaa in looga doodo kaliya in lagu cambaareeyo Burcad Badeedka Soomaalida ee Maraakiibta iyo Doomaha Qafaasha ayaa waxaa gadaasha looga daray ajendayaasha Shirka ajende kale oo ah in ay jiraan Burcad Badeed kale oo xaalufin ku haya Xeebaha Soomaaliya.
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti oo shirkaas ka qeybgalay isaga iyo afar xubnood oo kale oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa uu sheegay in ay shirka ka jeediyeen hadal ku saabsan in ay jiraan Burcad Badeed ajnabi ah oo Xeebaha Soomaaliya si sharci darro ah uga kalluumeysata, sidoo kalena sun kiimiko ah iyo waxyaabo kale oo khatar ah ku daadiya, sidaas darteedna loo baahan yahay in iyana kuwaas tallaabo laga qaado.
Prof. Ibbi waxaa uu sheegay in Sunta lagu shubo Xeebaha Soomaaliya ay ka dhasheen cudurro aan Soomaaliya horay uga jiri jirin oo ay ka mid yihiin in caruurta dhasha laga helo burooyin iyo weliba cudurro kale oo halis ah.
“Arrintaas markii aan soo banaan dhignay oo aan weliba codsannay in loo aqoonsado dembiyo caalami ah ayaa waxaa ka soo horjeestay Dowlado ay ka mid yihiin Spain, Argentina iyo dalal kale”ayuu yiri Prof. Ibbi oo sheegay in hadalka ay jeediyeen uu ahaa mid ay dalalka badankood soo dhaweeyeen.
Shirkaas caalamiga ah ee looga hadlayay arrimaha Burcad Badeedka Soomaaliya ayaa waxaa lagu casuumay wakiillo gaaraya 140 xubnood, kuwaasi oo ka kala socday 40 dal oo caalamka ah iyo weliba Ururro Caalami ah iyo kuwo heer gobol ah, wuxuuna shirkan ku soo beegmay kadib markii Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ay Xeebaha Soomaaliya ku qabsadeen Maraakib badan oo ay ku jiraan kuwo Hub iyo Saliid ceyriin wada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
