Khamiis, November 20, 2008(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaamisay laguna qabtay Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeysay waxaa si rasmi ah hogaan cusub loogu doortay Golaha Aqoonyannada Goballka Hiiraan.
Munaasabadda oo aheyd mid inta badan ay ka soo qeyb-galeen dhamaan qeybaha Bulshada ayaa Aqoonyannadii soo xaadirtay waxaa ay si weyn uga doodeen lama huraannimada in la mideeyo dhamaan Aqoonyannada Gobalka Hiiraan isla markaana loo sameeyo hal hoggaan si markaas looga baxo kala daadsanaanta ku dhax jirtay Aqoonyannada Goballka.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib waxaa cod qarsoodi ah lagu doortay in uu Guddoomiye u noqdo Golaha Aqoonyannada Goballka Hiiraan Cismaan Max'uud Cilmi (Cusmaan Caato) oo buuxiyay sharuudihii lagu xulanayay qofka noqonaya Guddoomiyaha Golaha Aqoonyannada waxaana uu isla markaana helay codadkii ugu badnaa dadkii codkooda dhiibtay.
Cismaan Maxamuud Cilmi (Cismaan Caato) oo doorashadiisa kadib la hadlay ka soo qeyb-galayaasha Munaasabadda ayaa ka warbixiyay maraxaladihii kala duwaan ee uu soo maray Aqoonyahanka Soomaaliyeed meel kasta oo uu jooga, waxaana uu sheegay in 17-kii sano ee la soo dhaafay meel layska dhigay doorkii Aqoonyahanka taasoo keentay ayuu yiri in dalku lugaha la galo jahwareer salka ku haya Jahli iyo Aqoon-darro.
Cismaan Caato waxaa uu intaas raaciyay in wixii xiligan ka dambeeya looga baahan yahay Golaha Aqoonyannada Goballka Hiiraan in ay qeyb mug leh ka qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa Qarannimadii luntay isla markaana loo samata bixin lahaa Bulshada dhibaatadu ku habsatay.
Sidoo kale Guddomiyaha Golaha Aqoonyannada Goballka Hiiraan waxaa uu baaq u jeediyay dhamaan dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya sida Dowladda Federaalka iyo waliba Isbaheysiga dib u Xoreynta labadii garab isagoo ugu baaqay in loo turo shacabka aan waxba galabsan ee sida micno darrada ah u dhamaanaya.
Dhamaan dhinacyadii ka soo qeyb-galay Munaasabadda ayaa si weyn u soo dhaweeyay in la sameeyo hoggaan uu yeesho Golaha Aqoonyannada Goballka Hiiraan, iyagoo ugu baaqay Guddoomiyaha cusub wax ka qabshada dhibaatada heysata shacabkii ay wax u soo barteen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia