Ciidamadii Itoobiya ee labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Kala-beyr oo halkaas dib uga laabtay

Cabirka Farta
Khamiis, December 11, 2008(HOL): Ciidamadii Itoobiya ee labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Kala-beyr oo qiyaastii wax ka yar 30-km u jirta Magaalada Beledweyne ayaa dib ugu laabtay Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
 
Dadka ku dhaqan Tuulooyinka Jawiil iyo Ceel-gaal ayaa saakay mar kaliya ku waabariistay dhufeysyadii ay qoteen Ciidamada Itoobiya oo faaruq ah iyo waliba Ciidamadii Midowga Maxkamadaha oo ku sii jeeda goobihii ay ka baxeen kuwa Itoobiya.
 
Lama oga sababta keentay in Ciidamada Itoobiyaanku isaga tagaan deegaanka Kala-beyr oo ay ka qoteen dhufeysyo adag, laakiin warar kala duwan oo soo baxaya ayaa qaarkood waxaa ay tilmaamayaan in uu jiro amar ka yimid Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya si markaa looga foogaado in halkaas dagaal ku dhaxmaro Xoogagga Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya.
 
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidamadu horay u sii kaxeysteen gaadiid ay lahaayeen dad rayid ah kuwaas oo qaarkood xamuulkii saarnaa looga tagay deegaanka Kala-beyr, sidoo kale warku waxaa uu intaas ku darayaan in mudadii ay halkaas joogeen Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan kuwo ka tirsan Maamulkii hore ee Gobalka si qasab ah gaadiidka uga qaadayeen lacago sharci darro ah.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa si weyn u soo dhaweeyay bixitaanka Ciidamada Itoobiya, maadaama dadku si weyn uga cabsi qabay in Ciidamadu soo ruqaansadaan dhinaca Xeryadoodii hore ee Jante-kuundisho xili Ciidamada Islaamiyiinta gacanta ku hayaan Magaalada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia