Sabti, August 30, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta wuxuu ka dhacay Xaafadda Fagax ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Isgoyska Fagax iyo koox hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamadii Dowladda ee Isgoyskaas joogay.
Ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa wuxuu sababay in ay dhaawacmaan seddex ruux oo ay haleeshay rasaastii ay isku ridayeen dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa wuxuu HOL u sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid xooggan oo socday muddo 45 daqiiqo ah, isla markaana la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddo labo sano ku dhow waxaa ka socda dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho-na ay maskaxdooda ku taagan tahay su’aal ah goorta ay dhamaan doonaan dagaalladan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia