Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Madaxda sare ee Dowladda Federaalka

Cabirka Farta

Sabti, August 30, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa si diiran u soo dhaweeyay heshiiskii ay dhawaan gaareen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray ayuu ku sheegay Ould-Abdallah in heshiiska ay gaareen madaxda sare ee Dowladda Federaalka uu yahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca xoojinta Xiriirka ka dhaxeeya Dowladda KMG ah iyo Soomaalida.

“Waxaan jeclahay in aan hoggaamiyayaasha ugu hambalyeeyo heshiiska ay gaareen, sidoo kalena waxaan ugu mahadcelinayaa taageerada ay siinayaan Heshiiskii Jibouti”ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah.

Heshiiska ay wada gareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ahaa:

In ay abuuraan jawi is-afgarad iyo is-aaminsanaan Madaxda Dowladda  iyo Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.

In Axdiga Federaalka KMG ah uu yahay Sharciga ugu sareeya dalka , loona hoggaansanaado.

In madaxda dowladda ay xilkooda u gutaan si  waafaqsan Axdiga Dalka, isla markaana aysan madaxda dowladda isku faragelin howl-maalmeedkooda.

In madaxda Dowladda ay howlahooda u gutaan qaab wada-tashi ah.

In Wasiirrada Xukuumadda Federaalka la gaarsiiyo 23 Wasiir si loo xaliyo qul-qulatooyinka ka dhex jira baarlamaanka.

In Wasiirradii Xukuumadda ku jiray Khilaafka ka hor ee 15-ka Wasiir ahaa ay howshooda sidooda u sii wataan.

In madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay isku af-garteen in shaqada laga fariisiyo Hoggaanka sare ee maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay isla magacaabaan guddi u xil-saaran soo dhisidda Maamulka Gobolka Banaadir 15 cisho gudahood.

Iyo in la taageero dib u heshiisiinta ay Dowladda kula jirto mucaaradka ka soo horjeeda iyo qodobo kale oo ku saabsan maareynta dhaqaalaha Dowladda soo gala iyo Amniga.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia