Shan Ruux oo lagu dilay Xaafadda Suuq Bacaad ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Sabti, August 30, 2008(HOL): Shan Ruux oo seddex ka mid ah ay ka tirsanaayeen Shirkadda Ganacsiga Wiif ayaa waxaa maanta lagu dilay Suuqa Bacaad oo ah Suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho.

Shanta Ruux oo hal meel lagu wada dilay ayaa waxaa dilkooda ka dambeeyay nin ku hubeysnaa Qori AK47 ah, kaasi oo la sheegay in uu ku labisnaa Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka.

Ilaa iyo haatan lama garanayo ujeedada uu ninkaas u dilay raggaas, waxayse warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegayaan in uu dilkaas salka ku hayo aano qabiil.

Shanta Ruux ee maanta lagu dilay gudaha Suuq Bacaad oo ahaa kuwo si weyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka lagu dilay ayaa waxaa lagu aasay Qabuuraha Jen. Daa’uud ee Degmada Wardhiigley.

Dhanka kalena, Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada hoose ayaa iyadana waxaa xalay lagu dilay labo nin oo ganacsato ah, kuwaasi oo uu toogtay Nin Bastoolad ku hubeysan oo sida la sheeagy ugu tegay meel ay ku shaahayeen oo ku taala Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo.

Xoogagga Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ayaanan weli ka hadlin ciddii ka dambeysay dilka labadaas nin oo ay si weyn uga xumaadeen dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa ku soo badanayay dilalka salka ku haya aar-goosiga qabiilka iyo weliba kuwo abaabulan oo la oran karo waxay salka ku hayaan meel-marinta dano gaar ahaaneed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia