Sabti, August 30, 2008(HOL): Kadib kulamo is daba joog ah oo maalmihii aynu soo dhaafanay ay la haayeen Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne kaa oo u jeedadiisu ahayd in Ciidamada dibadda looga saaro magaalada ka hor inta aysan curan Bisha barakeysan ee Ramaadaan, ayaa warar soo baxaya sheegayaan in Saraakiishu arintaa sharuud ku xireen.
Sida ay u sheegeen HOL qaar ka mid ah xubnihii Golaha Odayaasha dhaqanka uga qeyb galay kulankii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Beledweyne waxaa ay Saraakiishu ku sheegeen in ay ka bixi doonaan Magaalada marka loo keeno go'aan ay ku mideysan yihiin Odayaasha dhaqanka iyo Mas'uuliyiinta Maamulka ka joogta Magaalada, laakiin aysan aqbali doonin sida hadalka loo dhigay go'aan hal dhinac ah.
Waxaa ay intaas ku dareen Saraakiisha Itoobiyaanku in dhanacood culeys badan ku aheyn in ay isaga tagaan Magaalada laakiin muhiimaddu tahay in ay sugaan Nabad-galyada Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka ee ku sugan gudaha Magaalada.
Laakiin hadana marka dhinaca kale la eego dadaalka ay wadaan Odayaasha dhaqanka ma'aha mid intaas ku dhamaanaya, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in uu jiro xiriir isla aritan ku saabsan oo u socda Odayaasha iyo Xildhibaanada ka soo jeedo Gobalka si markaa Dowladda Federaalka gacan ugu geysato sidii Ciidamada dib loogu celin lahaa saldhigooda Militari.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa cabsi iyo wal walba ka qaba wax dhici kara haddii ay sii joogaan Magaalada Ciidamada Itoobiya marka ay curato Bisha Ramadaan, iyagoo waliba maanka ku sii haya hadalkii ka soo yeeray Af-hayeenka howl-galada ee Maxkamadaha Islaamigga C/rixiin Ciise Caddow oo sheegay in ay laba jibaari doonaan weerarada ay ku qaadaan fariisimaha Itoobiyaaku ku lee yihiin dalka marka la gaaro Bisha Ramadaan.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, waxaa isha lagu wada hayaan halka uu ku soo dhamaan doono dadaalka Odayaashu ugu jiraan sidii Magaalada looga saari lahaa Ciidamada Itoobiya isla markaana dib loogu furi lahaa goobaha muhiimka u ah dadweynaha oo ay ugu horeeyaan Masjidyadii ku xirmay dagaalladii dhawaan ka dhacay gudaha Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maxaa ka jira wararka sheegaya in Saraakiisha Itoobiyaaku sheegeen in ay ka baxayaan Magaalada Beledweyne?
Cabirka Farta
More News
- Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda WFP oo lagu dhaawacay gudaha Degmada Marka
- Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Shan Ruux oo lagu dilay Xaafadda Suuq Bacaad ee Magaalada Muqdisho
- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Madaxda sare ee Dowladda Federaalka