Koox Burcad Badeed ah iyo Koox kale oo Lacag ka dhici rabtay oo ku dagaallamay Degmada Garacad

Cabirka Farta

Jimco, August 29, 2008(HOL): Dagaal aad xoog badan oo u dhaxeeya kooxo hubaysan iyo kooxo kale oo Burcad badeed ah ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa uu ku dhexmaray Degmada Garacad ee Gobolka Mudug, kaasi oo soconayay muddo saacado ah.

Kooxahan Burcad badeedka ah ayaa dhawaantaan sii dayay Markab laga lahaa dalka Jarmalka kadib markii la sii yay Lacag Madax furasho ah oo aad u fara  badan, waxaana dagaalka Labadani kooxood uu  ka dhashay Lacag ay wateen kooxda  Burcad badeedka ah oo ay Kooxda kale isku dayday in ay la wareegto.

Dagaalkan Dhaxmaray Labadan kooxood ayaa Gaystay Dhimashada  Laba ruux oo kala ka tirsan Labada dhinac ee uu dagaalantay    ,waxaana ku dhaawacmay shan kale oo ka tirsan dadka deegaanka Garacad.

Dadka Deegaanka Garacad ayaa soo sheegay in arintani ay dhalisay xiisad aad u xoog badan  taasi oo ka dhex dhalatay Beelaha ay ka soo kala jeedaan labadan ee beelood ee dagaalantay.

Sida ay soo sheegayaan dad goob-joogayaal  ah  markii uu muddo dagaalkani  socday ayaa laga itaal roonaaday kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana Lacagta la isku dagaalay gacanta ku haya kooxihii Burcad badeedka ahaa.

Waaa Markii labaad oo labo kooxood ay isku dagaalaan degmada Garacad ee Gobolka Mudug , iyadoo dagaalkoodana uu salka ku hayo lacagaha ay soo qaataan kooxaha Burcad badeedka ah.

Xeebaha Puntland ee ku teedsan xeebaha Gacanka Cadmeed waxaa iminka af-duub loogu haystaa ilaa 8 markab oo laga kala leeyahay dalalka ka tirsan Caalamka, kuwaasi oo siyaabo kala duwan oo loo soo af-duubtay.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia