Rasaas ay fureen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo sababtay dhimasho iyo dhaawac Dad Rayid ah soo gaartay

Cabirka Farta

Jimco, August 29, 2008(HOL): Shan Ruux ayaa geeriyootay Shan Ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay rasaas huwiyeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Isgosyka KM5 ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhamaantood rayid ahaa ayaa waxaa sababta toogashadooda ka soo baxaya warar kala duwan, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in dadkaas ay ciidamada rasaasta ku fureen kadib markii uu ku dhex cararay nin hubeysnaa, halka warar kalena ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidamada ay xabad ka fakatay sidaasna ay Askar kale rasaas ugu fureen dadka.

Dadkii ku dhaawacmay rasaastaas oo qaarkood xaaladdooda ay halis ahayd ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan looga daweynayo dhaawacyadii soo gaaray.

Haddaba iyadoo Ciidamada Dowladda lagu eedeeyay in ay Dad rayid ah si bareer ah rasaas ugu fureen ayuu hadana Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamed Xirsi wuxuu sheegayaa in aanu war u heynin Ciidamo Dad rayid ah rasaaseeyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in wararkaas ay yihiin kuwo wax loogu dhimayo wax uu ugu yeeray sharafta Ciidamada Dowladda.

Ugu dambeyntiina, Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay dhibaatooyin kala kulmaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo  Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana mar kasta soo gaarta dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaas lagu furay ama Miino dhulka lagu aasay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia