Kulamo lagu qaboojinayo Xasaradda ka dhex oogantay Dowladda Federaalka oo Baydhabo ka socda

Cabirka Farta

Jimco, August 29, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas ka socdaan kulamo lagu qaboojinayo xasarad ka dhex oogan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo markeedii hore ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Kulamadaas lagu qaboojinayo xasaradda ka dhex oogantay Dowladda Federaalka ayaa waxay ka kala socdaan Xarunta Madaxtooyada Baydhabo oo uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Hotelka Bakiin oo uu isna degan yahay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo la soo sheegayo in ay labada odayba la hadlayaan Xildhibaannada taageersan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha oo khilaaf soo kala dhexgalay uga soo heshiiyay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya oo ay ku tageen kulan safar dhowr iyo toban maalmood qaatay ayaa wuxuu khilaafkooda saameyn ku yeeshay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo khilaafkaas dartiis labo qeybood u kala jabay.

Xildhibaannada Madaxweynaha taageersan ayaa waxay Baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ay ka diyaariyeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, halka Xildhibaannada Ra’iisal Wasaaraha taageersan ay iyaguna diyaariyeen mooshin ka dhan ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Xildhibaannada Baarlamaanka oo khilaafkooda laga dareemayay kulan uu Baarlamaanka isugu yimid oo ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka qeybgaleen ayaa waxay ku adkeysanayaan in aanu khuseynin heshiiska ay gaareen madaxda sare ee Dowladda, isla markaana ay doonayaan in la meel-mariyo mooshinnada labada mas’uul laga diyaariyay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegi doonaa natiijada ka soo baxda kulamada ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha la leeyihiin Mudanayaasha Baarlamaanka ee kala taageersan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Mudanayaasha Baarlamaanka shalay dhegeysan waayeen dhudbooyin ay madaxda Dowladda ka jeediyeen baarlamaanka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia