Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in bisha Ramadaan ay sii socon doonaan Dagaallada ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka

Cabirka Farta

Jimco, August 29, 2008(HOL): Sarkaal u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay bisha Ramadaan  sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Howl-gallada Ciidamada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay sababta ay dagaalka u sii wadayaan ay tahay iyadoo dalka Soomaaliya ay ku jiraan Ciidamo ku soo duulay, wuxuuna sheegay in aysan iyaga ku xirneyn in ay joogsato xabadda Soomaaliya ka socota.

“Xabadda Soomaaliya ka socota in ay joogsato waxay ku xiran tahay Ciidamada Itoobiya oo ka baxa dalka Soomaaliya, haddii ay ka bixi waayaanna dagaalka waa uu sii soconayaa”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow, afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in aysan iyagu weerar ahayn balse ay yihiin dad is-difaacaya oo dalkooda lagu soo duulay oo markaasina doonaya in ay dalkooda ka saaraan Ciidamada ku soo duulay.

Hadalka uu sii daayay afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo kaliya ay naga xigto bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, taasi oo ah bil cibaado oo dadka Muslimka sanadkiiba mar soo marta.

Sanadkan ayay bisha barakeysan ee Ramadaan ku soo beegmeysaa iyadoo dad badan oo sanadkii hore ku sugnaa guryahooda oo Muqdisho ku yaala ay haatan ku sugan yihiin Deegaanno ku yaala Magaalada Muqdisho duleedyadeeda, gaar ahaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in dadkaas badankood ay heysato xaalad nolol xumo ah oo aad u daran.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia