Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaaha iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo cambaareeyay duqeyn maanta loo geystay Suuqa Bakaaraha

Cabirka Farta

Talaado, August 18, 2008(HOL):  Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay fal maanta lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Cali Maxamed Siyaad waxaa uu sheegay in madaafiicda maanta lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo qaarkood ay ku sugnaayeen goobahooda ganacsiga, halka kuwo kalena ay Suuqa u tageen in ay ka soo dukaameystaan.

“Duqeynta loo geystay Suuqa Bakaaraha  waxay u tahay markii afaraad oo si bani’aadannimo ka bax ah loo duqeeyo, ilaa iyo haatanna ma naqaano sababta mar kasta madaafiicda loola beegsado”ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere).

Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) waxaa uu sheegay in Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ay horay ugu heshiiyeen in Suuqa Bakaaraha uu noqdo mid ka caagan dagaallada, “ilaa iyo hadda annaga dhankeega heshiiskaas waa ka dhaqan-galay, wuxuuna sida muuqata ka dhaqangeli la’yahay dhinaca Dowladda”ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere).

Sidoo kalena, waxaa duqeynta maanta loo geystay Suuqa Bakaaraha cambaareeyay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo sheegay in madaafiicda waxyeellada geysatay ee Suuqa Bakaaraha ku dhacday ay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu cirib-tiro dadka weli ka dhaqdhaqaaqaya gudaha Suuqa Bakaaraha.

Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in duqeynta Suuqa Bakaaraha loo geystay ay wax u dhimi karto heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, “Haddii aysan dhinacyada heshiiska gaaray ka hadlin waxa ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, hadde anigu garan maayo wax uu noqonayo heshiiska ay gaareen”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia