Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada Hadallada Jibouti oo shaaciyay hadal ay si weyn ugu farxeen Dadkii Muqdisho ka barakacay

Cabirka Farta

Talaado, August 19, 2008(HOL):  Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada hadallada Jibouti uga qeybgelaya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa wuxuu ka shanqariyay hadal ay si weyn ugu farxeen dad badan oo ku barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay sanadkii 2007.

Hadalka lagu farxay ee uu sii daayay C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ahaa in Wada hadalladii shalay ku soo gebageboobay Dalka Jibouti ee  u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta la iskula af-gartay in Ciidamada Itoobiya laga saaro xaafadaha ay dadka rayidka ah deganaayeen, isla markaana ay sugidda ammaanka magaalada la wareegaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Amisom.

Hadalka Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada hadallada Jibouti C/raxmaan C/shakuur waxaa si weyn u soo dhaweeyay oo ku farxay dad badan oo ka barakacay degmooyin dhowr ah oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo badankood ay ku nool yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Haddii qodobkaas lagu heshiiyay oo dhaqangelintiisana lagu guuleysto waxaa dib guryahoodii ugu soo noqon doona dad badan oo ka barakacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka cararay dagaallada iyo nabadgelyo la’aanta ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa socda wada hadallo rajo wanaagsan laga qabo in lagu soo af-jaro mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia