Talaado, August 19, 2008(HOL): Guddiyo ay iska soo dhex doorteen Ergooyin ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo maalmahan shir ku lahaa Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa shalay gelinkii dambe waxay si farsamo ah u saxiixeen heshiiskii ay labada dhinac horay u gaareen.
Guddiyada ay labada dhinac iska soo dhex doorteen oo farsamo ahaan ka shaqeyn doona waxyaabihii ku qornaa heshiiskii ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta horay ugu gaareen Dalka Jibouti ayaa waxay ka shaqeyn doonaan arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka, iyagoo ku howlgeli doona dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa.
Waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah in la sii wado wada hadallada ay labada dhinac gaareen, isla markaana laga hor-tago wax kasta oo wiiqi kara heshiiska, in la soo dhaweeyo dadaallada xal-doonka ah ee ay wadaan Beesha Caalamka iyo weliba muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ku sugan, in la cambaareeyo dilalka loo geysanayo dadka rayidka iyo Kooxaha Burcad Badeedka ah iyo weliba in ay dhinacyada heshiiska gaaray ay si weyn uga walaacsan yihiin xaaladaha bani’aadannimo ee ka taagan Dalka Soomaaliya, iyagoo beesha caalamka ugu baaqay in gargaar deg deg ah lala gaaro dad badan oo ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kalena dhinacyada heshiiska gaaray ayaa waxay ka codsadeen Qaramada Midoobay in ay dedejiso Ciidamada Nabad-ilaalinta ah ee ay u soo direyso Soomaaliya, si bey yiraahdeen ay Ciidamada Itoobiya uga baxaan Soomaaliya, iyagoo shacabka Soomaaliyeedna ugu laab-qaboojiyay in ay ka dhabeynayaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay Dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen Nabad, Xasilooni, Midnimo, Madax-bannaani iyo sharaf.
Dhinacyada Heshiiska gaaray ayaa intaas kadib waxay mahadcelin u jeediyeen Dowladda iyo Shacabka Jibouti oo ay sheegeen in ay martigeliyeen dhinacyada Soomaalida ee wada hadallada ku yeeshay dalka Jibouti, sidoo kalena waxay u mahadceliyeen Wakiillada Beesha Caalamka ee daneeya xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Heshiiska oo ay goob-joogayaal ka ahaayeen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah iyo Safiirrada Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabka iyo Midowga Afrika waxaa u kala saxiixay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo C/raxmaan C/Shakuur, iyadoo Guddiyada farsamo ee labada dhinacna ay u kala saxiixeen Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Cumar Xaashi Aadan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia