Talaado, August 19, 2008(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan uu Baarlamaanka Soomaaliya shalay isugu yimid Magaalada Baydhabo waxay ka sheegeen in loo baahan yahay in lala xisaabtamo cid kasta oo lunsatay Hantidii Qaranka Soomaaliyeed.
Xildhibaannadan oo kala ah Maxamed Qanyare Afrax iyo Salaad Cali Jeelle ayaa marka ay hadalkan jeedinayeen waxay u jawaabayeen Xildhibaanno Baarlamaanka hor-keenay mooshin lagula xisaabtamayo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
“Xisaabtan haddii uu Baarlamaanka sameynayo waxaa loo baahan yahay in laga soo bilaabo lacagtii ugu horeysay ee Dowladda soo gashay, Xukuumaddii hore ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Cali Geedi-na lagu soo daro, haddii kale waxa la hayo waxay noqonayaan wax aan shari ku fadhin”sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in ay ku baaqayaan dadka hantida qaranka u sameystay boonooyinka gaarka ah.
Xildhibaan Qanyare oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu guddoonka Baarlamaanka ka codsanayo in uu hor wareego dadka hantida qaranka lunsaday ee la doonayo in sharciga la hor-keeno, wuxuuna caddeeyay in guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay in uu sharciga ilaaliyo.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa dhex taala dood lala xiriirin karo khilaafka soo kala dhex galay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna xildhibaannada labada dhinac u kala qeybsamay ay diyaarinayaan mooshinno ay uga soo horjeedaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia