Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir oo bilaabay dhaqdhaqaaqo uu dib ugu furayo Waddooyin ku xirmay dagaalladii Muqdisho ka dhacay

Cabirka Farta

Guddoomiyaha KMG ah ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur)
Sabti, August 16, 2008(HOL): Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ku dhawaaqay in uu dib u furayo Waddooyin ku xirmay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2007, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasna ay maanta booqdeen qaar ka mid ah Waddooyinkaas.

Guddoomiyaha KMG ah ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Xasan Cali Maxamed (Xashaash) ayaa sheegay in Wadada 30-ka oo muddo sanad ka badan xirneyd ay maanta ka bilaabaneyso howl nadaafadeed kadibna ay dadka iyo Gaadiidka si caadi ah u isticmaali doonaan.

Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo shir jaraa’id ku qabtay Isgoyska Cali Kamiin ee Degmada Wardhiigley ayaa mar wax laga weydiiyay sida ay suurtagal ku noqon karto in wadadaas la isticmaalo iyadoo ay Ciidamo Itoobiyaan ah joogaan waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka laga qaadi doono meelaha ay Wadadaas ka joogaan, isla markaana xerooyin la geyn doono.

“Cid kasta oo degan Hareeraha Wadada 30-ka waxaan ugu baaqeynaa in ay nadiifiso qeybta Wadada Laamiga ah kaga aadan gurigeeda, marka ay nadaafadda dhamaatana waxaa bilaaban doona dhaqdhaqaaqii dadka iyo Gaadiidka”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si KMG ah ugu magacawday Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir.

Wadada 30-ka ayaa tan iyo sanadkii hore waxay ahayd mid xiran oo ay mari karaan kaliya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay gebi ahaanba xirmeen goobo ganacsi oo ku yaalay hareeraha Wadadaas, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin iyo Baar Ubax.

Haddaba haddii uu maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir uu ku guuleysto in uu furo Wadada 30-ka ayaa waxaa sugeysa Wadada Warshadaha oo iyadana sidoo kale ku xirantay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay Sanadkii hore ee aynu ka soo gudubnay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia