Dagaal Culus oo Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha ku dhaxmaray Magaalada Beledweyn

Cabirka Farta

Sabti, August 16, 2008(HOL):  Dagaalka oo wali si goos goos ah uga soconaya qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne ayaa bilaawday kadib markii Ciidamo ka tirsan Xoogagga Maxkamadaha gudaha u soo galeen Magaalada, gaar ahaan goob aan ka durugsaneyn fariisimaha Ciidamada Itoobiyaanku ku leeyihiin Saldhigga Baliiska iyo Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan.

Ciidamada Itoobiya oo markii dambe uun ka war helay soo galitaanka Xoogagga Maxkamadaha ayaa bilaabay weerarro culus oo ay dib ugu riixayaan dhinaca ka soo horjeeda oo iska caabin aad u weyn kala hortagay Ciidamada Itoobiya.

Qoryaha Baasuukaha iyo Lidka Diiyaradaha ayaa si weyn looga maqlayay Xaafadaha Dagaalku ka bilaawday, waxaana markii danbe Ciidamada Itoobiya u suurta gashay in ay la wareegaan gacan ku heyta Xaafadda Buundo-weyne oo ahayd halka dagaalka xooggiisu ka bilawday.

Saacado kooban kadibna waxaa ay Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Xerada Jante-kuudisho bilaabeen in ay ku garaacaan Xaafadaha qaar madaafiicda Qoriga BM-ka oo sida warar soo baxaya sheegayaan geeysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

Ilaa iyo haatan si dhab ah looma oga khasaaraha uu geysaty dagaalkii ka dhacay magaalada Beledweyne, wuxuuse Afhayeen u hadlay Maxkamadaha Islaamka oo lagu magacaabo C/raxiin Ciise Caddow uu sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka dileen 13 askari, halka dhinacoodana uu sheegay in ay 2 dagaalyahan ka geeriyoodeen, seddex kalena ay ka dhaawacmeen.

Xaafadaha Buulo-Xaabley iyo Yoobsan oo ka wada tirsan Dhinaca Bari ee Magaalada ayaa wali laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinca, waxaana dadka degan Xaafadaha oo aan la xiriiray ay ii xaqiijiyeen in ay jiraan Ciidamo ka tirsan Maxakamadaha oo halkaas ku go'doomay, kadib markii ay isku wareejiyeen Xaafadahaasi Ciidamada Itoobiya.

Dadka rayidka ah ayaa bilaabay in ay ka barakacaan goobaha lagu dagaalamayo kuwaas oo xitaa awoodi waayay in ay ka qaataan guryaha waxyaabaha ay u baahan yihiin maadaama dagaalku ahaa mid si kedis ah ku bilaawaday waliba xili dadku intiisa badan jiifay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, lama oga halka xaaladdu ku danbeyn doonto maadaama wali dhinacyadu is-horfadhiyaan lagana yaabo in dagaalku halkiisa ka sii socdo.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka Beledweyne kala soco halkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia