Sabti, August 16, 2008(HOL): Kadib markii ay racfaan ka qateen hay'ado dhowr ah oo ay ku jirto Hay' adda Xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa dib loo dhigay muddo aan la cayin xiliga la xirayo Xerooyinka ay kujiraan dadka ay saameysay dhibaatadii Bishii shanaad ee sanadkan aanu ku jirno ka dhacaday Dalka Koonfurta Africa.
Dadkan ayaa waxaa Xeryaha ay kujireen muddo dheer iyadoo ay heysato dhibaato xagga nolosha ah iyadoo lagu jiro xiliyadii qaboobaha isla markaana ay ku jiraan guryo ka sameysan Teendhooyin aan qabowga celin karin.
Dadkan oo isugu jira Wadamo badan oo African ah ayaa qeybo badan oo ka mid ah waxaa loo celiyay Wadamadii ay u dhasheen halka qeybaha kale ee ku haray Dowllada ay isku dayeeyso sidii Xeryaha looga saari lahaa balse ay hor istaagtay Maxkamadda sare ee Dalka South Africa.
Arintan ayaa kusoo aaday xili aysan jirin wax isbedel ah oo dhinaca ammanka wax looga qabanayo iyadoo ay sii socdaan dilalkii loo geysanayay Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Saciid Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa