Sabti, August 16, 2008(HOL): Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muxyaddiin Maxamed Xaaji oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu mahadcelin ugu jeediyay Dowladda Canada oo uu sheegay in ay ballanqaaday in ay Markab ilaaliya u soo direyso Xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan ballanqaadka ay bixisay Dowladda Canada, wuxuuna intaas ku daray in ay Dowladda Canada noqotay Dowladdii ugu horeysay oo ka soo jawaabtay codsi ay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ay u jeedisay kaasi oo ahaa in ay dalalka Caalamka ku caawiyaan Maraakiib galbisa Raashinka Mucaawinada ah ee ay Soomaaliya geeyaan.
Wasiirka Gaashaandhigga waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Canada ay ugu horeyso Dowladaha sida weyn uga qeybqaata dadaallada lagu soo celinayo nabaddii sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, isagoo weliba farta ku fiiqay in ay dhaqaale ku bixiso gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya la siiyo iyo weliba dib u dhiska Dalka.
Dhanka kalena, waxaa uu Wasiirka Shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Kooxahaas yihiin kuwo xumeeyay ku safarka Xeebaha Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in ay kooxahaas ku xiran yihiin dad mas’uuliyiin ah oo uu sheegay in haatan baaritaan lagu hayo.
“Dadka gadaasha ka taagan Kooxahaas Burcad Badeedka ah baaritaan ayaa ku socda, haddii arrintaas lagu helana waxay noqon doonaan kuwo galay Dembiyo Qaran iyo kuwo Caalami ah, waxaana markaasi laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muxyaddiin Maxamed Xaaji.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia