Arbaco, August 13, 2008(HOL): Waxaa sii xoogeysanaya deeqaha iyo kaalmada ee la soo gaarsiinayo dadkii dhawaan ku barakacay Dagaalladii ka dhacay Magaalada Beledweyne, kuwaas oo gaaray daafaha Magaalada iyo deegaanada ka durugsan, islamarkaana ay soo food saareen daruufo dhinaca Nolasha ah.
Ururka Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay Dalka Sweden ayaa ugu deeqay dadka barkacay kaalmo dhan ( $5540 doollar ) taasoo ay ka faa'ideyteen 720 Qoys oo ku barkacay Galbeedka iyo Bariga Magaalada Beledweyne, waxaana fulinta deeqdan gacan ka geystay Ururka Daljire oo la oran karo waa Urur si weyn ula socda dhibaatada dhinaca Nolasha ah ee heysta dadka barakacu saameeyay.
Lacagta uu soo diray Ururka Nabada iyo Hormarinta Soomaaliyeed ayaa qeyb ka mid ah waxaa lagu iibiyay Raashin isugu jiray Masago, Saliid, Timir, iyo Bustayaal, halka qeyb kale oo ka mid ah lacagta lagu bixiyay (Kaash) taasoo lagu saleeyay hadba Marxalada goobta, tirida Qoysaska, iyo talada ay ka dhiibteen Mas'uuliyiinta dadka barkacay.
Kaalamada ay soo direen Ururka Nabadda iyo Hormarinta Soomaaliyeed ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadkii la gaarsiiyay Deeqda, waxaana sidoo kale ka mahad caliyay Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan oo uu hormuud u yahay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif kuwaasoo sheegay in Xubnaha Ururka Nabadda iyo Hormarinta talaabo Qaranimo oo ku dayasho mudan, iyaga oo dhinaca kalena ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay ku daydaan Tallaabada uu qaaday Ururkaas.
Magaalada Beledweyne oo dabayaaqadii Bishii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen dagaallo culus oo dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxaa ka barkacay Qoysas Kumanaan gaaraya kuwaas oo ilaa hadda aan dib ugu soo laaban hoygoodii, iyadoo dhawaan warbixin ay ka soo saartay dalka Mareykanka hay'adda IMC lagu sheegay in ay u baahan yahay dadkaasi gurmad deg deg ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia