Xildhibaannada oo diyaarinaya Mooshinno iska soo horjeeda
Arbaco, August 13, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa haatan laga dhex dareemayaa saameyn uu ku yeeshay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo labadaas mas'uul la kala safan ayaa kuwa la safan Madaxweynaha waxay ku eedeynayaan Ra'iisal Wasaaraha in Xukuumaddiisa ay gashay fadeexad maaliyeed, sidaas darteedna ay tahay in ay kalsooni warsato Baarlamaanka, halka Xildhibaannada la jira Ra'iisal Wasaarahana ay ku doodayaan in Madaxweynaha uu jebiya qodobo ka tirsan Axdiga KMG ah, sidaas darteedna ay qasab tahay in laga geeyo mooshin lagu dacweynayo.
Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel oo ka mid ah Mudanayaasha mooshinka ka diyaarinaya Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu ku doodayaa in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Xukuumadda dabagal ku sameeyay uu soo ogaaday in ay Xukuumadda ku jirto Fadeexad maaliyadeed, sidaas darteedna ay mooshin ka geynayaan Baarlamaanka.
Xildhibaan Cumar Islow oo isna ka mid ah Xildhibaannada qaba in ay Xukuumadda ku socoto dariiqa saxda ah ayaa wuxuu ku doodayaa in cidda lala xisaabtamayo ay tahay Madaxweynaha oo sida uu yiri jebiyay qodobo ka tirsan Axdiga KMG ah.
Haddaba haddii Xukuumadda mooshin laga geynayo ayaa waxaa loo baahan yahay in ay ugu yaraan Guddoonka Baarlamaanka Mooshin u gudbiyaan 25 Mudane, marka codka kalsoonida loo qaadayana la helo 139 Mudane.
Laakin arrinta mooshin ka geynta Madaxweynaha intaas waa ay ka culus tahay waxaana loo baahan yahay 93 Mudane in ay mooshin ka geyso, marka codka kalsoonida loo qaadayana waxaa loo baahan yahay 184 Mudane.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, waxaa la eegayaa halka uu ku dambeeyo xarig-jiidka u dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanka oo iyagu laga dareemayo in ay la kala safan yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu soo kala dhexgalay khilaaf ka dhashay xil-ka-qaadistii ay Xukuumadda Federaalka ku sameysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia