Wasiir iska casilay Xukuumadda Somaliland iyo Madaxweyne Rayaale oo ka aqbalay

Cabirka Farta

Wasiirka is-casilay-Abshir Axmed Xasan
Arbaco, August 13, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka aqbalay Is-casilaad uu u gudbiyay Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Abshir Axmed Xasan oo iska casilay jagadii Wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuumadda.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo HOL soo gaadhay, Wasiirka Dib-u-dejinta waxay is-casilaaddiisa sabab u ahaa duruufo iyo arrimo u gaar ah oo la soo dersay Wasiirka. Hase ahaatee, mar jiraan warar madax bannaan oo arrintan ka soo baxay. Waxaana Wasiirka lagu amray inuu si ku-meel gaadh ah Xilka ugu sii wareejiyo Wasiir-ku-xigeenkiisa.
Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Istiqaaladii ka aqbalay Wasiirkii Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland Mudane Abshir Axmed Xasan oo isagu soo codsaday , waxana uu  ku sheegay Istiqaaladiisa duruufo u  gaar ah.

Qoraalkii Madaxweynuhu  istiqaaladda kaga aqbalay Wasiirkii Dib u dejinta Somaliland waxa ay u qornayd sidan:

Waxaan aad iyo  aad ugu mahadinayaa  muddadii aad qarankan JSL u soo shaqaynaysay  intii aad ahayd Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta , waxaanad  muujisay xilkasnimo iyo daacadnimo  ood ku maamulaysay xilkaasi aad qaranka u haysay.

Hadaba, markaan  ka baaraan degay  nuxurka qoraalkaaga  ee aad igaga codsanaysay in aad hawlahaaga  gaarka ah aad qabsato , waxaan kugu war gelinayaa inaan kaa aqbalay  istiqaaladaadii laga bilaabo taariikhda qoraalkan , si aad ugu madax banaanaato ujeedooyinka  aad hiigsanayso , ilaahayna  ha kuu fududeeyo.

Waxaan ku farayaa inaad xilkii Wasaarada ku sii wareejiso Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dib u dejinta, intaan cid kale u soo magacaabayo”.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland