Arbaco, August 13, 2008(HOL): Diyaarad yar oo nooca qaadka daabusha ahayd ayaa saaka waxay ku dhacday, kuna burburtay Tuulada No.50 ee Gobolka Shabeelaha Shabeelaha, iyadoo xiliga diyaaraddaas ay dhaceysayna ay dooneysay in ay ku degto Garoonka No.50 oo ku yaala meel Tuuladaas u dhow.
Diyaaraddaas oo gebi ahaanba burburtay ayaa waxaa ku dhintay duuliyihii kaxeynayay iyo labo shaqaale ah oo la socday, kuwaasi oo dhamaantood Kenya u dhashay, waxaana sidoo kale baaba'ay Qaadkii Diyaaraddaas saarnaa.
Sababta keentay in diyaaradda dhacdo ayaa lagu sheegay in ay hawada aad u xumeyd, isla markaana ay ku dhacday mid ka mid Tower-ro ay Shirkado Isgaarsiineed ku rakibteen Tuulada No. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Shilka soo gaaray diyaaraddaas ayaan wax saameyn ah ku yeelan Garoonka No. 50 oo ay ku soo degeen diyaarado kale oo Qaad waday, kuwaasi oo si caadi ah u soo caga dhigtay.
Garoonka No. 50 oo intii aan la furin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ahaa mid mashquul ah oo dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay ka dhoofi jireen kana soo degi jireen ayaa dhawaanahan waxaa kaliya isticmaalayay Diyaarado UN-ka u kireysan iyo kuwa Qaadka keena Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia